Latest News

Alshabaab Oo Xasuuqday Dumar Iyo Caruur Saarnaa Bas Ay Qarax La Beegsadeen Duleedka Muqdisho

Muqdisho,October 14 2022(Haatufonline)- Argagixisada Alshabaab ayaa xasuuq cusub u gaystay dumar iyo caruur aan waxba galabsan oo ay maanta ku laayeen qarax ah miino ay ku aaseen badhtanka wadada isku xidha Afgooye iyo Muqdisho.
Qaraxan ayaa waxay la beegsadeen gaadhi Caasi ah oo siday rakaab caruur iyo dumar ah oo kasoo baxay Afgooye kuna socday dhinaca Muqdisho.

Ilaa hadda ugu yaraan dhawr iyo toban qof oo isugu jira dumar caruur ayaa la xaqiijiye inay ku geeriyoodeen qaraxaasi halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*