Latest News

Ciidamo Deegaanka Ah Oo Kaashanaya Kuwa Dowladda Somalia Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Wabxo Oo Ka Tirsan Galguduud

Wabxo, November 8, 2022 (Haatufonline) – Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Wabxo oo ka tirsan gobol Galguduud ayaa ururka Al-Shabaab lagala wareegay gacan ku haynta degaankaasi.
Ciidamo deegaanka ah iyo kuwa dawlada Somalia ayay u suuragashay kadib afar jiho ah oo ay ka galeen ciidanka deegaanka Wabxo, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo aanan la xaqiijin karin inta uu leegyahayyahay.
Ciidamada la wareegay deegaanka Wabxo ayaa waxaa hogaaminayay Gaashaanle Sare Cabdulaahi Cabdi Raage Iyo Saraakiil Kale oo ka tirsan Militariga Soomaaliya, kuwaas oo maalmahii ugu dambeeyay u diyaar garoobayay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayeen deegaanka Wabxo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur oo ah Saldhiga ugu weyn Shabaabka ku sugan gobolka Galgaduud.
Barqanimadii Maanta ayay aheyd markii ciidamadaan is garabsanaya ay la wareegeen deegaanka Warxoolo oo 15 KM dhanka Waqooyi uga beeganka deegaanka Wabxo oo ay ciidanka iskaashanaya galabta si buuxda ula wareegeen, waxaana ciidankan ay sheegeen in ujeedkooda ugu weyn uu yahay iney Shabaab ka saaraan degmada Ceelbuur iyo deegaanada hoostaga.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*