Latest News

Dagaal Lagu Dilay Al-Shabaab Badan Oo Galabta Lagu Xoreeyey Wabxo

Maxaas, November 8, 2022 (Haatufonline) – Ciidanka dalka Somalia iyo kuwo deegaanka ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey degaanka Wabxo oo hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Ciidankaan oo maanta ka duulay aagga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa galabta casir liiqii gudaha u galay deegaano ay ugu weyntahay Wabxo oo ka tirsan Galgaduud.
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir Ibraahim Dheere oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in 16 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlaglkii galabta lagu xoreeyey Wabxo.
Halka sidoo kale laga gubay laba gaadhi nooca dagaalka, mid kalena gacanta lagaga dhigay, balse dhankooda ay ka dhaawacmeen laba Askari.
Ciidamadaan waxaa hoggaaminaya xildhibaano iyo saraakiil ka soo jeeda beesha Murusade, waxaana deegaanadii laga xoreeyey kooxda caawa ka socda howlgallo miino baaris ah.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhulka ay galabta ka xoreeyeen Al-Shabaab uu dhan yahay 16 KM, waxaana howlgalka ka qeyb qaadanaya ciidanka Danab oo caawa miino baaris ka wada Wabxo iyo deegaanadii kale ee laga xoreeyey kooxda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*