Latest News

Ciidamo Ka Kala Tirsan Somaliland Iyo Puntland Oo Dagaal Ku Dhexmaray Laasqoray

Laasqoray, 25-02-2020-(Haatuf) – Wararka ka imanaya magaalada Laasqoray oo ka tirsan Badhan in uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwo ka socday maamul goboleedka Puntland.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Sahal Maxamed Jaamac oo qaar ka mid ah warbaahinta ka hawlgasha Somaliland ay wax ka waydiiyeen inuu wax kaga kordhin karo dagaalkaasi ka dhacay Laasqoray maadaama oo deegaanadaasi uu ka soo jeedo ayaa sheegay in markii Badhasaabka gobolka Badhan oo safar ugu baxay Laasqoray ay ka dabatageen ciidamo ka tirsan Puntalnd halkaana uu dagaal ku dhexmaray Ciidamadii la socday Badhasaabka ee Somaliland iyo kuwii Puntalnd.  

“Arintaasi way jirtaa badhasaabka gobolka Badhan ayaa wuxuu safar ku tagay Laasqoray kadib waxa ka daba tagay niman Puntland sheegayana oo deegankayaga faragalin ku waday oo aanu ka indho qarsanaynay.

Nimankaa Puntland ee aanu jaarnka nahayna waxa fiican inaanu nabad ku wada noolaano ayaa wanaagsanayd laakiin way garan waayeen.

Baryahanba waxaad moodaa in faragalin toos ah ku hayaan dalka Jamhuuriyada Somaliland waxaana masuul ka noqonaya cidii nabadgalyo daradaasi la timid wixii halkaasi ka dhaca,” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Sahal Maxamed Jaamac.

Hase yeeshee dagaalkaasi labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray deegaanka Laasqoray ayaan jirin faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*