Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Maxamed Shiil Dhidar

Hargeysa, -25-02-2020-(Haatuf)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Xaraf loogu sameeyey Marxuum Maxamed Shiil Dhidar oo ahaa taliye-ku-xigeenkii hore ee ciidanka Booliska Somaliland.

Aaska qaran ee loo sameeyey Marxuum Maxamed Shiil Dhidar, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay salaadiin, waxgarad, waayeel iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranka, kuwaas oo ku dheeraaday taariikh nololeedkii marxuumka, iyaga oo Eebbe uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelka iyo qaraabadana Cawil san ka siiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay goobta Aaska, ayaa si qoto dheer u sharraxay Taariikhdii marxuumka iyo kaalintii uu ku lahaa dhismaha qaranka, waxana uu tilmaamay inuu marxuumku ahaa tiir muhiim ahaa oo ka baxay ciidanka Booliska.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey kaalintii uu marxuumku ku lahaa halgankii qarannimada Somaliland loo soo galay iyo shaqadii adkayd ee uu soo qabtay muddadii ay Somaliland jirtey shaqadii hufnayd ee uu hayey, “Maxamed Shiil markii dambe waxa uu noqday taliye-ku-xigeenka ciidanka Booliska, noloshiisa intii uu joogay qaranka, ayuu u shaqaynayey, sarkaal uun buu ahaa ku hawlan hawlaha qaranka, anigu waxan uga markhaati ahay inuu ahaa raggii hawlaha ugu waaweyn SNM ka geystay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*