Wasaaradda Maaliyadda oo Daah-furtay Tabobar Lagu Dardargelinayo Hirgelinta Nidaamka SLIFMIS
Haatufonline — 01 September, 2026
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, ayaa maantadaah-furtay tabobar socon doona muddo saddex maalmood ah, kaas oo qayb ka ah diyaar-garowga iyo dardargelinta hirgelinta Hanaanka Is-wada Ee Maaraynta Xogta Maaliyadda Dawladda Somaliland ee loo soo gaabiyo SLIFMIS gaar ahaan qaybaha Dawladdaha-hoose iyo Hay’addaha macaashka sameeya ee Dawladda.
Tabobarka waxa furay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Md. Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha-hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL Md. Cali Cige Maxamuud.
Tabobarkan oo maanta bilaabmay ayaa loo qabtay wakiillo iyo kooxo farsamo oo ka kala socda 10 hay’addood, kuwaas oo loo diyaarinayo hirgelinta nidaamyada LG IFMIS iyo PE IFMIS.
Tabobarka ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, iyada oo muddadaas diiradda lagu saari doono kor-u-qaadista aqoonta, fahamka habraacyada shaqo iyo diyaarinta hay’addaha ka hor inta aan si rasmi ah loo guda gelin wejiga hirgelinta nidaamka.
Ka qaybgalayaasha ayaa la siinayaa tabobar ku saabsan habraacyada maaliyadeed, maaraynta iyo isku-xidhka xogta, iyo adeegsiga hanaanka is-wada {Somaliland Financial Management Information System} SLFMIS, si loo xaqiijiyo in kooxaha farsamo ay yeeshaan aqoonta iyo awoodda looga baahan yahay hirgelinta nidaamka.
Qaybta LG IFMIS waxa lagu diyaarinayaa Afar Degmo oo kala ah Lughaya, Ceel-Afweyn, Gar-Adag iyo Wajaale, halka qaybta PE IFMIS ay ku wajahantahayWakaaladaha Biyaha Degmooyinka; Wajaale, Saylac, Lawyo-cado, Boon, Xariirad iyo Ceeri-gaabo.
Hirgelinta nidaamyadani waxa ay qayb ka yihiin dedaallada Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ee lagu casriyeynayo maamulka maaliyadda dawladda, iyadoo la xoojinayo adeegsiga nidaamyada casriga ah ee maamulka maaliyadeed.
Ugu danbayn, Nidaamkan ayaa muhiim u ah kor-u-qaadista hufnaanta maaliyadeed, isla-xisaabtanka, isku-xidhnaanta xogta, tayada warbixinnada maaliyadeed iyo habsami-u-socodka hawlaha maaliyadeed ee hay’addaha dawladda iyo kuwa bixiya adeegyada dadweynaha.
Leave a comment