Latest News

Ciidan Ay Alshabaab Soo Tababareen Oo Kusii Jeeda Buuralayda Degmada Bareed Ee Deegaanka Oromada

Jigjiga,July 21,2022(Haatufonline)-Ciidan uu ururka Alshabaab kusoo tababaray gudaha dalka Somalia ayaa la sheegaya inay kusii jeedaan buuralayda Sinsaar ee ku yaala degmada Bareed taasoo maamul ahaan hoos timaadda gobolka Oromada ee Itoobiya.

Ciidankan oo kasoo talaabay Somalia ayaa soo dhexmaray dhulka Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo xad dheer la leh degmada Bareed oo ay daganyihiin dad asalkoodu Soomaaliyahay balse doorbiday inay ka mid noqdaan deegaanka Oromada ka dib markii ay xuquuqdoodi ka waayeen maamuladi kala dambeeyey ee soo maray dawlad deegaanka Soomaalida.

Connect with us on Facebook