Latest News

Ciidanka Liyuu Booliska Oo Dagaal Adag La Galay Al-Shabaab Oo Soo Weerartay

Af-dheer, July 21, 2022 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya deegaanada Xadka Soomaaliya iyo Dawladd Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in dagaal qadhaadhi uu ku dhexmarayo Ciidamada Liyuu Booliska iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalkan ka dhacay tuulooyinka hoos yimaada degmooyinka soohdinta labada dal ee gobolada Bay iyo Bakool, ee gobolka Afdheer ayaa yimid kadib markii maleeshida Al-shabaab ay halkaadi soo weerartay.

Waxaanay wararku sheegayaan inuu jiro khasaare tira badan oo soo gaadhay dhinacyadii dagaalamay.

Hase yeeshee ciidanka xooga gaarka ah ee deegaanka Soomaalida ayaa sheegay inay dharbaaxo Liyuu Boolisku ku dhufteen maleeshiyaadkii naf-lacaariga ahaa ee argagixisada Al-shabaab ee iskudayay inay dhibaateeyaan muwaadiniinta ku dhaqan aaga xuduudaha gaarahaan tuulooyinka hoos yimaada degmooyinka soohdinta la wadaaga gobolada bay iyo bakool, ee gobolka Afdheer.

Waxaanay sheegeen inay Haatan socdaan hawlgalka lagu nadiifinayo firxadka argagixisada oo habqan ku ah goobo kala duwan.

Connect with us on Facebook