Latest News

Ciidanka Qaranka Oo Deeq Lacag Ah $46,753 Ku Wareejiyey Guddida Gurmadka Suuqa Waaheen

Hargeysa, April 11, 2022 (Haatufonline) – Ciidanka qaranka Somaliland ayaa maanta qaadhaan lacageed oo ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka suuqa Waaheen waxa ay ku wareejiyeen guddidaasi.

Munaasibada wareejinta lacagtan oo ka dhacday xarunta Miiska Saraakiisha ayaa waxa goobjoog ka ahaa taliyaha ciidanka qaranka Somaliland, saraakiisha ciidanka iyo guddida gurmadka masiibadii ka dhacday suuqa Waaheen.

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in masiibadii dabka ee ka dhacday Waaheen ay ahayd masiibo qaran oo cid kasta taabatay, waxanu sheegay iyagoo taa garwaaqsan in ka ciidan ahaan ay garwaaqsadeen inay kaga qayb qaataan gurmadka Suuqa lacag dhan

46,753 dollar.

Connect with us on Facebook