Latest News

Dawlada Hoose Hargeysa Oo Bilowdey Nadiifinta Suuqa Waheen

Hargeysa, April 11, 2022 (Haatufonline) – Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa saaka Suuqa Waaheen ee caasimada Somaliland ka bilawday hawlgal nadiifin ah.

Suuqa waaheen oo 1-dii bishan April dab xoogle oo ka kacay uu baabiiyey ayaa saaka waxa hawlgalka nadiifinta ka qayb qaatay noocyada kala duwan ee gaadiidka oo ay leeyihiin dawlada hoose iyo shirkado shacabku leeyihiin.

Waxaa la arkayey intii hawlgalkaasi socday Cagcagafo waaweyn oo duminaya hadhaagii dhismayaashii dabku baabiiyey.

Maayarka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo Xalay warbaahinta la hadlay ayaa shacbka uga digay inay hawlgalkan ka qayb qaataan maadaama oo dadka ay dhibaato ka soo gaadhi karto biraha iyo sagbadaha oo lagu nadiifin karo oo kalia qalabka oo aan gacmaha loo adeegsan karin.

Maayarku waxa uu intaasi ku daray in hawlgalkan Nadiifinta ah maalmaha soo socda qaadan doona in dadka ka qayb qaadanayaana kaga qayb qaadan karaan gaadiidka oo ay soo dhaweynayaan.

 

Connect with us on Facebook