Latest News

Dab Ka Kacay Xaafadd Ay Degenyihiin Dad Barakacaal Ah Oo Ku Taala Hargeysa

Hargeysa, June 25, 2020 (Haatuf) – Dab ayaa ka kacay xaafada Istanbul ee magaalada Hargeysa oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah.

Xaafaddan oo ku taala Waqooy-bari Magaalada Hargeysa ayaa waxa deggan dad Barakacayaal ah oo reer Somaliland u badan waxaanu kabku ka kacay ku dhawaad Salaadii subax ee maanta, waxaanu dabku khasaare gaadhsiiyey guryo badan oo Jiingado iyo Buulal ah oo ay dadku degenaayeen.

Ciidammada Dab-damiska ee Magaalada Hargeysa ayaa goobta soo gaadhay markii uu dabkaasi guryaha ku fiday waxaanay aakhirkii bakhtiiyeen markii guryo badan ay ku hurushoobeen.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax khasaare Nafeed ah oo uu gaystay dabkaasi, hase yeeshee Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay in khasaare soo gaadhay dadka degan xaafadaasi Barakacayaasha balse ma uu cadayn nooca khasaaraha.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*