Latest News

Dablay Hubaysan Oo 30 Qof Ku Dishay Galbeedka Ethiopia

Addis Ababa, April 1, 2021 (Haatufonline) – Dablay hubaysan ayaa dilay 30 qof oo shacab kadib markii weerar lala beegsaday magaalo ku taala galbeedka gobolka Oromiya ee dalka Ethiopia, sida ay dad goobjoogayaal ahi ay sheegeen Arbacadii shalay.

Weerarkan ayaa noqonaya dagaalkii ugu dambeeyey ee ku salaysan qoomiyadaha dalka Ethiopia oo caqabad weyna ku ah dawladda federal.

Dalka Ethiopia, ayaa ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Africa, kaas oo la daalaadhacaya sidii wax looga qaban lahaa qoomiyado iska soo horjeeda oo ku dagaalamaya dhul, awooda xukunka iyo khayraad kale, iyadoo la fílayo in dalkaasi bisha june ay ka dhado doorasho mudaysan.

Wossen Andaege, oo ka mid ah beerayda galbeedka gobolka Oromiya ayaa sheegay in la laayey dad jaarkiisa ahaa intii lagu gudo jiray habeenimadkii Salaasada, markii lagu soo weeraray galbeedka Wollega Zone of Oromiya. Waaanu xaqiijiyey in dadka la laayey ay ahaayeen qoomiyada Amxaarada.

Weerarkan ayaa lagu eedaynayaa inay gaysteen koox ka go’day ururka OLF.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*