Latest News

Dadaal Diblomaasiyadeed Oo La Doonayo In Burhaan Iyo Xamedti Lagu Kulansiiyo Jidda Ama Jubba

Khartoum,April 29,2023(Haatufonline)- Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Sudan
Volker Perthes ayaa warfidiyeenada u sheegay inuu socdo dadaal diblomaasiyadeed oo la doonayo in la isu keeno Cabdulfataax Alburhaan Iyo Maxamad Xumaydti kuwaasoo ah labada Janaraal ee kala hogaminaya ciidamada ku dhex dagaalamaya dalka Sudan iyadoo dagaalkaasi uu hadda galay todobaadkii sadexaad.
Alburhaan iyo Xamedti ayaa labadooduba mudadii u dagaalku socday ka dhago furaystay baaqyo farabadan oo ururka Igad iyo beesha caalmku usoo jeedinayeen inay dagaalka joojiyaan oo ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka.
Hasa yeeshee waraysi uu wakiilka Qaramada Midoobay maanta siiyey idaacadda VOA, waxa u ku sheegay in dhinacyada dirirtu dhexmaraysa ay kasoo dageen halkii hore ee ay taagnaayeen oo ay hadda diyaar u yihiin inay soo dirsadaan cid ku matasha wada hadal dhex mara labadooda dhinac.
Volker Perthes oo wax laga waydiiyey halka lagu qaban doono wada hadalada ayaa waxa u tibaaxay in ilaa hadda la hadal hayo Jidda ama caasimadda Koonfurta Sudan ee Jubba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*