Latest News

Tabaha Qarsoon Ee Xasan Sheekh: Waxa U Huwanta Hub Uga Soo Iibiyay Eritrea

Asmara,May 2,2023(Haatufonline)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa dalka Eritrea hub uga soo iibiyey huwanta ka kooban maleeshiyada qabaayilka,ciidamada Somalia iyo argagixisada Alshabaab/Isis ee dagaalka ka dhanka ah xukuumadda Somaliland ka wada Laascaanood.
Siday noo xaqiijieen ilo xog ogaal ah oo ka cudur daartay in la magaacaabaa,hubkan oo u badnaa qoryaha BKM,AK iyo rasaas farabadan oo horaantii bishii hore soo gaadhay dekadda Garacad waxa 50% qaatay maamulka Siciid Deni intii kalena waxa Garoowe loogu qaybiiyey maleeshooyinka Daarood iyo argagixisada ka dagaalamaya Laascaanood.
Soo iibinta hubkan oo aad loo qarinayey ayaa ilahani waxay oo sheegeen in dawladda Somalia ay u igmatay wasiirul dawlaha u qaabilsan Amniga Gudaha Maxamad Cali Xagaa kaasoo isagu qoray warqadii xukuumadda Somalia ay soo-iibsashada hubkaasi kaga dalbanasay dawladda Eritrea.
Talabadan ay xukuumada Somalia ku dhaqaaqday ayaa waxa xalay si duur xul ah uga hadlay Xasan Sheekh mar wax laga waydiiyey arinta dagaalka Laascaanood iyadoo u sheegay inay jiraan tabo iyo xeelado aan la shaacin oo ay dawladdiisa adeegsato si ay u taakulayso huwanta.
Dhinaca kale wasiir Xagaa ayaa waxay dawladda Xasan Sheekh u xilsaartay inuu huwanta hub uga soo iibiyo suuqa madow ee Kenya oo marka hore lagasoo dajiyo magaalada Kismaayo marka dambana diyaarad lagu soo daabulo ilaa Garoowe.
Waxa kale oo ay dawladda Somalia fasaxday diyaaradaha hubka ka keena Yemen inay toos u iman karaan Bosaaso iyo Garoowe.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*