Latest News

Dagaal Culus Oo Macawislayda Iyo Alshabaab Ku Dhexmaraya Meel U Dhaw Jalalaqsi

Beledwayne:October 11,2022(Haatufonline)-Dagaal culus ayaa ka socda deegaanka Ceelmacaan ee u dhaw degmada Jalalaqsi ee ka tirsan gobolka Hiiraan.
Dagaalkan oo dhexmaraya maleeshiyada Macawislayda ee beesha Xawaadlaha iyo dagaalyahanada Alshabaab ayaa ka qarxay deegaankaasi kadib markii ay kooxda Alshabaab weerar kusoo qaaday maleeshiyada Macawislayda oo halkaasi dhawaan ka saartay ciidamada argagixisada.

Gobolka Hiiraan ayaa waxa dhawrkii bilood ee u dambeeyey ka socday kacdoon hubaysan oo ay hoorseed ka yihiin dagaalyahanada Xawaadle oo ka dhan ah Alshabaab waxaana la filayey in beelaha kale ee Hiiraan iyo kuwa gobolada kale ee Somalia ay kusoo biiraan kacdoonkaasi balse taasi wali ma dhicin.
Ururka Alshabaab ayaa mudadan dambe culayska saaray sidii u beesha Xawaadle u gaadhsiin lahaa khasaare balaadhan oo ay kasoo waaqsan kari waayaan si ay ugu cibro qaataan beelaha kale ee la doonayo inay iska xoreeyaan ciidamada Alshabaab ee dhulkooda xoogga ku haysta.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*