Latest News

Raysal Wasaaraha Somalia Oo Addis Ababa Kaga Qaybgalaya Shir Lagaga Hadlayo Amniga Afrika

Addis Ababa, October 13, 2022 (Haatufonline) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta soo gaadhay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.

Ujeedada Socdaalka Raysal Wasaaraha Soomaalia ayaa lagu sheegay inuu Addis Ababa ka qaybgali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana oo lagaga hadli doono Amniga Qaarada Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa galabta kulan kula qaatay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibbeda Ethiopia, Mudane Demeke Mekonnen.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee deriska -isla markaana iskaashi xooggan looga sameyn lahaa arrimaha amniga, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*