Latest News

Dagaalka Sudan Iyo Werwerka Iyo Walaaca Ka Dhashay Daynkii Shiinuhu Ku Lahaa Dalkaas

Khartoum,May 11,2023(Haatufonline)-Dagaalka ka socda dalka Sudan ayaa dhawac kale oo cusub u gaystay hanaankii uu dalka Shiinuhu wax ku amaahin jiray wadamada Afrika iyadoo dagaalkani uu abuuray welwal iyo walaac ku saabsan masiirka dayn gaadhaya ugu yaraan $5 Milyaar oo Shiinuhu ku leeyahay dalka Sudan.
Sida ay xarunta AidData sheegtay,Sudan ayaa ka mid ahaa dalalka Afrika kuwa ugu badan ee Shiinuhu lacagta amaahiyo iyadoo mudadii u dhaxaysay 2010 iyo 2020 ay gaadhay $15.5 Milyaar.
Hasayeeshee warbixin u soo saaray Baanka Dhexe ee Sudan intii aanu dagaalka khartoum bilaabin,waxa uu daynka rasmiga ah ee Shiinuhu ku lahaa ee aanay Sudan wali iska bixinin ilaa horaantii sanadkii 2022 ku sheegay $ 5.12 Milyaar.
Waxase jira lacago maalgashi oo Shiinuhu galiyey kaabeyaasha soo saaridda Saliidda Sudan kuwaas oo uu wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Xaamid Sulaymaan ku qiyaasay $2.5 milyaar iyadoo ay maalgalintaasi lahayd CNPC oo ah shirkada Saliidda ee ay leedahay dawladda Shiinuhu.

Welwalkan maaliyadeed ee Shiinaha soo waajahay ee ka dhashay dagaalka Sudan ka qarxay ayaa kusoo biiraya dhibka ka jira daymihii uu Shiinuhu amaahiyey dalalka Afrika iyadoo badankoodu ka gaabiyeen sidii ay isaga bixin lahaayeen qaanta lagu leeyahay waxaanay mushkiladdan hadda Sudan ka taagani ay si gaar ah dhabar jab ugu tahay hanaankii galagalaysiga dhaqaale ee uu Shiinuhu ku doonayey inuu saamayn ku yeesho mandaqada Geeska Afrika.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*