Latest News

Wasaaradda Nabadsugidda Shiinaha Oo Lagu Dhaleeceeyey Video Ogaysiisis Ahaa

Beijing,May 12,2023(Haatufonline)-Wasaaradda dalka Shiinaha u qaabilsan Nabad Sugidda Qaranka ayaa lagu dhaleeceeyey inay todabaadkii dhaweyd baraha bulshada soo dhigtay video ogaysiis ah oo xabaarsan cunsurinimo. Video-gan oo ay wasaaraddu ugu talogashay wacyigalinta dadka isticmaala dhugdhuglayda(mootada) inay xidhaan koofayadaha iyo suumanka amaanka waqtiyada ay wadooyinka marayaan ayaa waxa jilaayey 3 nin oo Shiino ah oo wajigooda la mariyey midab buni ah si loogu eekaysiiyo inay Hindi yihiin ,waxaana videoga lagu badhxay hees iyo miyuusig Hindi ah.

Ogaysiiskan oo lasoo dhigay mareegaha caanka ah ‘Waibo’ ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa waxa ka helay dadkii Shiinaha ahaa ee ka falceliyey intoodii badnayd, hasayeeshee waxa jawaab celin kulul ka bixiyay dadyowga ku nool dalalka kale gaar ahaan dalalka koonfurta Asiya iyo waliba dalka Hindiya iyadoo ay videogan ku tilmaaeen mid lagu cunsuriyaynayo midabkooda iyo isirnimadooda.

Inkastoo ay wasaaraddu markii dambee ay videogii ka saartay halkii lagu soo bandhiga hadana mahaa markii u horaysay ee ay Shiinaha lasoo daristo arin usoo jiidaysa eedaynta faafinta muqaalo lagaga maadsanayo ama lagu xaqirayo midabka dadyowga kale,oo waxa jirtay sanadkii 2018 in telefishanka dawladda ee CCTV barnaamij lagu xusayey sanadka cusub ee Shiinaha uu kusoo bandhigay gabadh aflaamta matasha oo wajiga iska soo marisay rinji midab madow.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*