Latest News

Dagaalkii Tigray Oo Baajiyey Qorshe Khater Ah Oo Farmaajo Ku Jiray Oo La Dooayey In Jubaland,Puntland Iyo Somaliland Xoog Ciidan Lagu Qabsado

Washington/London/Brussels,May 20,2021(Haatufonline)-Waxa soo shaac baxay xogo ay heleen qaar ka mid ah hayadaha sirdoonka iyo diblomaasiyeen ka tirsan dawlado shisheeye oo muujinaya inuu jiray qorshe khatar ah oo ay soo wada maleegeen Farmaajo,Asayaas Afwerqi iyo Abiy Axmed oo ujeedadiisu aheyd in xoog ciidan lagu qabsado labada dawlad goboleed ee Jubaland iyo Puntland iyo Jamhuuriyadda Somaliland oo madaxdoodana la laayo ka diban laga dhiso 3 maamul oo raacsan madaxweynaha Somalia ee mudo-xileedkiisu haatan dhamaaday M.C.Farmaajo.

Qorshahan ayaa waxa ku-talogal kiisu ahaa inay fulintiisa ay horseed u noqdaan 3 kun oo dhalinyaro Soomaali ah oo tababar ciidan loo geeyeey dalka Eritrea sanadkii 2019 iyo 2020 kuwaasoo la filaya inay taageeray mug leh ka helaan ciidamada Ethiopia ee ku sugan Somalia iyo ciidamo Eritrean ah oo soo dhexmara Itoobiya.Waxa kale oo qorshahan dahsoon qayb ka qaadanayey ciidanka badda ee Itoobiya kaasoo uu Faransiisku balanqaaday inuu dhismahiisa ka taageero Itoobiya.

Hadaba inkastoo astaamo iyo arimo ku lug leh jiritaanka qorshehani lagu arkay Somalia iyo Somalilandba labadii sanadood ee ina soo dhaafay hasa yeeshee qorshehan dhumucda baaxaddiisa waxa baajiyey dagaalkii ka qarxay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya bishii November 2020 taasoo uu Farmaajo wali ka samri la’yahay oo ugu wacan qaska,isku dhaca iyo dilalka uu ka wado Somalia iyo Somalilandba.

Connect with us on Facebook