Latest News

Dhalinyaradi Eritrea Loo Diray Oo Loo Haysto Kharashkii Tababarkooda Oy Aheyd In Qadar Bixiso

Muqdisho/Asmara,May 19,2021(Haatufonline)- Boqolaal dhalinyaro ah oo madaxweynaha Somalia ee mudo-xileedkiisu dhamaaday M.C.Farmaajo iyo madaxa hayadda nabadsugidda Somalia( Nisa) Fahad Yaasiin ay si qardoodi ah ugu direen dalka Erateriya si ay usoo qaataan tababar ciidan ayaa haatan la xaqiijiyey in dawladda Erateriya ay dhalinyaradaasi u haysato kharashkii ku baxay tababarkoodii iyo raashinkoodii mudada ay ku sugnaayeen dalka Eritrea iyo waliba kharashkii diyaaradaha ee lagu geyn lahaa Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa sanadihii 2019 iyo 2020 loo dhoofiyo Erateriya iyadoo iyaga iyo waalidiintoodaba loo sheegay in la geynayo dalka Qadar si ay  ugu qaataan tababar ciidan markay dhamaystaanna ay Qadar ka dhigato askar ilaalisa garoomadda ay ugu talogashay in lagu qabto ciyaaraha Koobka Aduunka ee sanadka 2022.

Qorshaha in dhawr kun oo dhalinyaro ah tababar loo geeyo Erateriya waxa isku afgartay Farmaajo,Fahad Yaasiin iyo madaxweynaha Erateriya Asayaas Afwerqi xiligii u booqashada ku yimid Muqdisho dabayaaqadii 2018 waxaana heshiiska si dadban qayb uga ahaa dawladda Qadar oo balanqaaday inay bixiiso dhamaan kharashka ku baxaya safarka cirka ee dhalinyaradaasi ku tagi doonaan Erateriya iyo tababarkooda ciidan muddo 6 bilood ah iyo waliba kharashka soo celintooda markay tababarka dhamaystaan. Sida la ogsoonyahay dawladda Qadar ayaa aheyd ciddi kafaaloqaadday kharashkii ku baxay ciidamadii Harimacad iyo Gorgor ee tababarka kusoo qaatay Turkiga  oo ahaa $900  calaa askari bilkasta mudo 6 bilood ah.

Hadaba meesha ay wax kasi noqdeen waxa weeye dawladda Qadar oo ka caga jiidaysa inay bixiso kharashkii ay hore u balanqaadday waana sababta keentay in ilaa hadda Erateriya loogu hayo dhalinyaradaasi waqtiga hore dhamaystay tababarkoodii ee dhawrka jeerna gadoodka sameeyeey si wadankoodii loogu celiyo.Waxa kale iyaduna jirta Farmaajo iyo dawladda Erateriya oon doonayn in arinta dhalinyaraddan wax laga ogaado kadib markii ay tiro ka mid ah dhalinyaradaasi ku dhinteen dagaaladii gobolka Tigrayga halka qaar kale oo ka fakaday xeryihii  lagu hayeyna la sheegay inay jidka ku dhinteen.

Connect with us on Facebook