Latest News

Dalka Eritrea Oo Lagu Soo Rogay Xayiraad Isgaadhsiinta Ah

Khartoum,December 3,2020(Haatufonline)-Dalka Eritrea gaar ahaan magaalooyinka waaweyn yaa waxa ka go’an isgaadhsiinta telefoonada iyo Internet-ka 36-kii saacadood ee u dambeeyey.Warar laga soo xigtay qurbejoog reer Eritrea ah oo lasoo hadlay dad Soodaan jooga ayaa tibaaxay in dawladda Eritrea ay xayirtay isgaadhsiintii kadib markii ay dareentay dhaqdhaqaaq ciidan oo laga shakiyey.

Dhinaca kale waxa jira warar aan wali la xaqiijin oo sheegayaa in gadood ka dhacay qaar ka mid ah xeryaha ciidanka Eritrea ee ka qaybgalay dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Tigray ee ku yaala waqooyiga Itoobiya isla markaana xadka la leh dalka Eritrea.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*