Latest News

Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Dumisay Guryo Shacab Oo Waddo Martay

Gabiley, October 16, 2021 (Haatufonline) – Ugu yaraan saddex guri ay dad shacab ahi leeyhiin ayay dumisay dawlada hoose ee degmada Gabiley, kuwaas oo ay waddo ku soo beegantay.

Maayarka degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi iyo guddokmiyaha gobolka Gabiley Cadikariin Aadan Xaaji ayaa sheegay in dadkii lahaa guryahaas ay u celiyeen lacagtoodii, taas oo ku jirtay miisaaniyada dawlada hoose ee degmadaas.

Qaar ka mid ahaa dadkii lahaa guryahaas ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan duminta guryahoodaas, maadaama oo ay martay waddo dan guud ahi.

Connect with us on Facebook