Latest News

Ugu Yaraan 5 Qof Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Galbeedka Hargeysa

Hargeysa, Ocober 16, 2021 (Haatufonline) – Alle ha u naxariistee ugu yaraan 5 qof ayaa ku geeriyooday, sideed kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo caawa ka dhacay galbeed Hargeysa, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ciidamada heeganka Booliska iyo masuuliyiinta  Cisbitaalka Hargeysa.

Shilkan oo ay sababeen laba gaadhi oo Nooho iyo Dhayne ah oo isku dhacay ayay ku dhinteen 3 Dumar ah, hal nin iyo ilmo yar.

Halka dadka ku dhaawacmay oo 8 qof ah dhaawacooda lagu dabiibayaa cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Connect with us on Facebook