Latest News

Dawlada Hoose Hargeysa Oo Dayactir Ka Bilawday Garoonka Kubadda Cagta Xaafada Sheekh Nuur

Hargeysa, July 16, 2022 (Haatufonlinr) – Dawlada Hoose Hargeysa ayaa Maanta Dayactir Ka Bilawday Garoonka Kubadda Cagta Xaafada Sheekh Nuur Oo Muddo Dheer Dayacnaa.
Dawlada Hoose ayaa sheegtay in Garoonkan ay cabasho ka soo gudbiyeen dhalinyarada Xaafadda Sheekh Nuur, sidaa darteedna ay si degdeg ah uga jawaabtay cabashada ka soo gaadhay dhalinyarada Xaafada Sheekh Nuur.
Sidoo kale Dawlada Hoosr waxa ay tilmaantay inay dhawaan ka bilaabi doonto Xaafadda Sheekh Nuur mashaariico kala duwan oo ay Ka mid tahay dhismaha wadada Sheekh Nuur ilaa Kuwaytiga.
Halka sidoo kale ay socoto wadada Daami oo iyaduna Xaafadan Nuur muhiimad u leh oo ku xidha Suuqa Hoose ee Hargeysa.
Si kastaba ha ahaate Xaafada Sheekh Nuur ayaa waxa ay dhibaato ka haysataa xaga dooxa biyaha kusoo shuba Dhaamka Daami oo ay aasantay Buundadkii lagaga talaabi jiray, taas oo caqabad weyn ay kala kulmaan dadka xaafadu xiliyada Roobku da’o.

Connect with us on Facebook