Latest News

Xasan Sheekh Oo Jabuuti Yimid Barina Socdaalkiisa Gobolka Ku Soo Gunaanadaya Addis Ababa

Jabuuti, Luly 16, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku maraya socdaal ku saleysan xoojinta xidhiidhka Soomaaliya ay la leeyahay dalalkaas ayaa maanta socdaal ku tagay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Ambouli International Airport ee magaalada Jabuuti, Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalkaas, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadan ay bilow wanaagsan u tahay sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmihii la soo dhaafay socdaalo ku tagay dalalka gobolka Geeska Afrika gaar ahaana dalalka Eritrea, Kenya iyo Jabuuti waxaana la filayaa in maalinta barito ah uu socdaalkiisa ku soo gunaanado dalka Ethiopia.

Connect with us on Facebook