Latest News

Dawlada Somalia Oo Sheegtay In 15 Al-shabaab Ka Tirsan Lagu Dilay Deegaano Koostaga Dhuusamareeb

Dhuusamareeb, September 23, 2022 (Haatufonline) – Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa war-saxafadeed kasoo saartay dagaalo ka dhacay deegaanada Sinadhaqe iyo Labidulle oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

War-saxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalo ka dhacay deegaanka Sinadhaqa iyo labidulle ciidanka xoogga dalka ay ku dileen 15 Xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanadaasi.

Warsaxafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Alshabaab ay isku dayeen in ay dib u qabsadaan Saldhigyo ciidamada dowladda maalmo ka hor Shabaab ka saareen, waxaana sidoo lagu xusay Warsaxafadeedka inuu gabaabsi yahay wakhtiga ay haystaan dhalinyarada la qalday ee la dagaalamaya ciidanka Soomaaliya inay isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*