Latest News

Dawladd Deegaanka Soomaalida Ethiopia Oo Ciidamo Cusub Tababaranaya

Jigjiga, September 23, 2022 (Haatufonline) – Dawladd deegaanka Soomaalida Ethiopia (DDS) ayaa tababaraysa ciidamo cusub, si ay u kordhiso tirada ciidamadeeda.

Ciidamadan cusub ee Dawladd Deegaanka Soomaalida ayuu tababarku uga socdaa Kulliyada Tababarka Booliska oo ku taala magaalada Jigjiga.

Waxaana booqday maalintii shalay Taliyaha guud ee ciidanka xooga gaarka ah ee DDS General Cabdi Cali Siyaad (Gafaydhe) iyo taliye ku xigeenka guud ee ciidanka xooga gaarka ah General Cabdiraxmaan Axmed Nuur oo ay weheliyaan saraakiil ciidan oo kale, kuwaas oo soo kormeeray ciidanka carbiska ugu jira kuliyada tababarada booliska DDS ee magaalada Jigjiga.

Dawladd Deegaanka Soomaalida ayaa dhawaan weerar xoogan kala kulmay ururka Al-Shabaab oo gudaha usoo galay ilaa 150km.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*