Latest News

Dawladda Itoobiya Oo Rukhsadii Kala Noqatay Wariyihii Wakaaladda Wararka Ee Reuter Digniinna U Kala Dirtay BBC Iyo DW

Adisabsba,November 20,2020(Haatufonline)-Dawladda Itoobiya ayaa wariyihii dalkeeda u joogay wakaaladda wararka ee Reuter kala noqotay rukhsaddii isla markaana digniin u dirtay wariyeyaasha BBC-da iyo Idaacadda Jarmalka ee D W iyadoo ku eedaysay inay tabiyaan warar khaldan oo ku saabsan xaaladda ka taagan woqooyiga Itoobiya halkaas oo muddo haatan 2 todobaad ah dagaallo laxaadlihii ku dhexmarayeen ciidanka dawladda dhexe ee Itoobiya iyo ciidanka gobolka Tigray.

Maamulka raiisalwasaaraha Itoobiya ee Abiy Axmed ayaa intaanu dagaalku bilaabmin gobolka Tigray kusoo rogay xayiraad dhinaca isgaadhsiinta iyo baananka ah.Waxa kale oo gobolkaasi laga go’doomiyo cirka iyo dhulkaba si aan waxna usoo galin waxna uga bixin.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*