Latest News

Degdeg: Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Sheegay Inay Dagaalka Ku Qabteen Tikniko iyo Maxaabiis Farabadan.

Hargeysa, February 27, 2023 (Haatufonline) – Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu u taagan yahay difaaca Qaranimada Somaliland marwalba.

Haddaba Ciidmada Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka ee jooga jiidda hore ku sugan ee Gobolka Sool.

Ciidanka Qaranka, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Ciidanka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta Maamulka Puntland-Soomaaliya.
Ciidanka Qaranka waxa ay dagaalka saaka ku qabtaan maxaabiis iyo Tikniko ay wataan cadawga soo duulay.

Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika.

Warbaahinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*