Latest News

Cabdirizaaq Khaliif Oo Caalamka U Sheegay In Ciidanka Somaliland Uu Isir Nacayb Ahaan U Xasuuqay Dadka Laascaanood

Nairobi,February 27,2023(Haatufonline)-Cabdirizaaq Khaliif oo ahaa Guddoomiyihi Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland si qaawan ugu eedeeyey inay xasuuq isir nacayb ku jiro u geysteen dadkii ku noolaa magaalada Laascaanood oo muddo 20 maalmood ah ay dagaalo googoos ahi ku dhexmarayeen ciidanka Somaliland iyo ciidamo huwan ah oo ka kooban maleeshiyo beeleed iyo koox ka tirsan argagixisada Alshabaab.

Cabdirizaaq Khaliif ayaa qoraal dheer oo uu u gudbiyey Qaramada Midoobay iyo dawladaha caalamka waxa uu dagaalka Laascaynood ka dhex socda ku tilmaamay mid lagu xasuuqayo beesha uu kasoo jeedo waxaanu eedaas culus dusha ka saaray ciidanka iyo dawladda Somaliland.Cabdirizaaq Khaliif oo horaantii bishan u ambabaxay Laascaanood si uu kaalintiisa uga gaysto sidii magaaladaasi dib loogu soo dabbaali laha nabad iyo xasilooni ayaa lacag sadex boqol oo kun oo Doolar ah laga sii siiyey madaxtooyada Somaliland.Hasa yeeshee siday ilo xog ogaal ahi Haatufonline u sheegeen,Cabdirizaaq Khaliif waxa uu lacagti uu madaxtooyada ka qaaday badankeedii rasaas ugu iibiyey maleeshiyadi iyo xubnaha kooxdi Alshabaab ee la dagaalamayey ciidanka Qaranka Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*