Latest News

Degmooyin Cusub Oo Lagu Dhawaaqay Natiijada Hordhaca Ah Ee Doorashada Somaliland

Hargeysa, June 2, 2021 (Haatufonline)-  13  xubnood oo noqon doona golaha degaanka dagmada Laascaanood oo ay ku tartamayeen sadexda Xisbi Qaran ee ka jira Somaliland ayaa lagu dhawaaqay kadib doorashadii dhacday maalinimadii 31-kii May.

Xisbiga UCID ayaa waxa uu helay 3 xubnood halka labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ay sinaan ku yihiin min 5 xubnood oo golaha degaanka ah.

Xubnahan soo baxay ayaa gabi ahaan ah rag iyadoo hal gabadh oo tartanka ku jirtey ay hadhay taas oo dhamaantood ka dhigtay in ay rag noqdaan taas oo ka mid ah isbedelka haatan la muuqda.

Sidoo kale golaha haatan soo baxay ayaa ah mid meesha ka saaray rag badan oo ka mid ahaa kuwo si aad ah loo saadaalinaayey, waxa kale oo meesha ka baxay xildhibaanadii hore iyadoo ay u badan yihiin dhalinyaro.

Dhinaca kale degmooyinka Xudun iyo Taleex oo iyagana lagu dhawaaqay ayaa waxaa ku horeeya xisbiga Kulmiye.

Connect with us on Facebook