Latest News

Taliyaha Ciiddanka Asluubta Somalia Oo Ka Hadlay Is-Rasaasayn Dhexmartay Ciidanka Asluubta Iyo Ilaalada Xasan Sheikh

Muqdisho, June 3, 2021 (Haatufonline) – Taliyaha ciiddanka asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa ugu baaqay madaxweynihii hore ee Soomaaliya , Xasan Sheikh Maxamuud inuu raali galin ka bixiyo shaqaaqo shalay dhex martay ilaaladiisa iyo ciidanka asluubta ee ilaalada xabsiga Xamar.

Taliyaha ciiddanka asluubta ayaa ku eedeeyay ciidanka ilaalada madaxweyne hore Xasan Sheikh Maxamuud in ay si xoog ah uga gudbeen bar kantarool oo ay ciidanka asluubta ku sugnaayeen, taasoo markii dambe sababtay isku dhaca labada ciidan.
“Gaari Cabdi bile ah ayaa xoog ku gudbay, gaarigii labaad ayaan celinay si aan u hubino cidda uu wado. Waxaa kadib dhacday in gaarigii hore uu dib usoo jeesto oo nasoo xabbadeeyo. Meesha Kaamera ayaa ku xirnayd, dadkii oo dhan ayaa arkayay waxa meesha ka dhacay, waana wax cad oo aan u baahnayn baaritaan,” ayuu yidhi taliyaha asluubta.
Taliyaha ciiddanka asluubta ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in dad badan oo madax ah ay garan waayaan qadarinta askariga amniga sugaya ee u taagan difaaca qaranka iyo ka ilaalinta cadowga in ay usoo gudbaan xafiisyada dowladda.
“Haddii ilaaladiisu inoo sheegi lahaayeen in ay wadaan madaxweyne Xasan Sheikh, waan soo dhoweyn lahayn, waana u furi lahayn dariiqa, laakiin waxaa nasiib darro ah in nala ku xushmayn waayo  shaqadeena oo madaxweynihii dalka soo hoggaamiyay uu garan waayay waxa aan meesha aan u joogno in ay tahay in aan iyaga ka ilaalino cadowga usoo gudbaya,” ayuu yiri taliye Mahad.
Ugu dambayn, taliye Mahad ayaa kasoo horjeestay in dambiile lagu tilmaamo askartii uu sheegay in ay iska caabiyeen xabbadii lagusoo riday, wuxuuna sheegay in ay gef weyn tahay in askartii waajibaadkooda gudanayay lagu tilmaamo dambiilayaal.

Connect with us on Facebook