Latest News

Madaxda Dawladda Qadar Oo Lagu Eedeeyey Inay Boqolaal Milyan Oo $ U Direen Urur Argagixiso Ah.

London,June 5,2021(Haatufomline)- Dacwad lagu doonayo magdhaw oo todobaadki hore loo gubiyey maxkamad ku taala magaalada London ayaa madaxada dawladda Qadar iyo qaar ka mid ah tujaarta ugu waaweyn  lagu soo eedeeyey inay boqolaal milyan oo Doolar u direen koox argagixiso ah oo la yidhaahdo Alnusra oo saldhiggiisu yahay Suuriya oo ay isku xidhanyihiin ururka caanka ah ee Alqaacida

Dawladda Qadar ayaa sida ku xusan dacwadda waxay lacagta ay Alnusra u dirayso u marin jirtay dariiqooyin qarsoodi ah oon sharciga aduunka waafaqsanayn si aan loo ogaanin taasoo loo yaqaanno money laundering ama lacag maydhis oo looga jeedo in la lumiyo raadkii lacagta si aan loo ogaan halkay markeedii hore ka timid iyo cidda loo diray ee ay ku dambaynayso.

Xogta la soo bandhigay ayaa waxay tilmaamaysaa in dawladda Qadar si ay lacagta u gaadhsiiso kooxda Alnusra ay adeegsanjirtay ururo samofal ah iyo 2 baan oo dalkeeda laga leeyahay iyo baan ku yaala Turkiga.Lacagta ururada argagixisada ah loo diro ayaa waxa lugu xaaraantimeeyey go’aamo caalami ah oo laga soo saaray Qaramada midoobay iyo qaar ay dawladuhu soo saareenba.2

Connect with us on Facebook