Latest News

Dhalinyaradi Eritrea Ku Maqnayd Intii Ka Hadhay Waxay U Xidhanyihiin Lacag Rahmanaad Ah

Muqdisho,July 4,2021(Haatufonline)-Tirada dhalinyaradi Soomaaliyeed we horaantii 2019 loo qaaday dalka Eritrea ayaa intii dagaalkii Tigray ku dhimatay mooyaane intii hadhay waxay u xidhanyihiin lacag u dhiganta kharashkii ku baxayey tababarkoodii iyo cuntadoodii oo dawladda Eritrea ka doonayso dawladda Somalia inay bixiso

Madaxweynaha Somalia ee muddo-xileedkiisu dhamaaday Farmajo ayaa madaxweynaha Erirea Asiyaas Afwerki hore ugu balanqaaday in dawladda Qadar bixin doonto kharashkii ku baxay tababarkii askarta Soomaaliada ah.Hasayeeshee Sunday ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw Villa Somalia sheegeen Farmaajo iyo madaxa hayadda Nabad Sugidda Fahad ayaa ku takrifalay lacagti ay Qadar bixisay taasoo markii ay Eritrea ogaatay ay go’aan ku gaadhay in askarta Soomaaliada ahi u rahmanaadaan ilaa iyo inta ay dawladda Somalia bixinayso lacagtaasi.

Maamulka Farmaajo ayaa qayb ka mid ah lacagti Qadar bixisay ku laaluushay xildhibaanadii,siyaasiyiintii iyo odayaashii madax dhaqmeedka ahaa ee dhalinyaradaasi markoodi hore soo xulay si askarinimada loo qoro. Dhinaca kale waxa la rumaysanyahay in boqolaal ka mid ahaa askartii Soomaalida ee Eritrea lagu tababar ay ku Dhinteen dagaaladii bishii November 2020 ka qarxay gobolka Tigray.

 

Connect with us on Facebook