Latest News

Maamulka Gobolka Tigray Oo La Filayo Inuu Soo Bandhigo Warbixin Ku Saabsan Saraakil Soomali Ah Oo Maxaabiis Dagaal Ah

Khartoum,July 6,2021(Haatufonline)-Maamulka gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia ayaa la filaya inuu soo saaro warbixin ku saabsan saraakiil Somali ah oo ay ciidamada Tigreegu ku qabteen dagaaladii muddo haatan laga joogo sagaal bilood ka dhex qarxay Tigraga oo dhinac ah iyo isbahaysiga ciidamada Eritrea iyo Ethiopia oo dhinaca kala ah.

Maamulka madaxweynaha Somalia ee muddo-xileedkiisu dhamaaday Farmaajo ayaa horaantii sanadkii 2019 bilaabay inuu dhalinyaro tiradoodu gaadhayso ilaa 5000 qof  hoos ahaan ugu diro dalka Eritrea iyadoo walidiinta dhalinyaradaasi markii hore loo sheegay in la gaynayo dalka Qadar si tababar askarinimo loo siiyo dabeetana ay ka mid noqdaan ilaalada garoonada lagu qaban doono ciyaaraha Koobka Aduunka 2022.

Maamulka Farmaajo ayaa muddo dheer ka caga jiidayey inuu waalidiintii dhalinyaradaasi uga waramo meesha ay ubadkoodii ku dambeeyeen waxaanay arintani noqotay mid gilgishay dareenka dadweynaha siiba ka dib markii ay sanadkan dhexdiisa soo baxeen warar sheegayey in askar Somaali ah oo kasoo talaabay dhinaca Eritrea ay ka qaybqaleen dagaaladii ka dhacay gobolka Tigray iyagoo la safan isbahaysiga ciidamada Itoobiya iyo Eritrea.

Connect with us on Facebook