Latest News

Dhisme Guri Oo Ku Dumay Wajaale Oo Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Isugu Jira

Wajaale, September 24, 2020 (Haatufonline) – Guri uu Dhismihiisu ka socday magaalo ganacsiyeedka Tog-Wajaale ayaa dumay, waxaana ku dhintay Afar qof oo uu ku jiro mulkiilihii gurigaasi, halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan toban qof oo kale, sida uu sheegay Badhasaabka Wajaale.

Gurmadka dhaawaca iyo dhimashada ka dhashay gurigaasi dhismihiisu socday ayaa waxa ka qaybqaatay ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo shacabka magaalada Wajaale, kuwaas oo ilaa hada ku hawlan soo daadguraynta dadkaasii uu ku dumay geeri iyo nololba.

Gudoomiyaha Wajaale Cabdikarin Aadan Xaaji Diiriye oo shilka gurigaasi dumay ka hadlay ayaa yidhi “Qaddar Alle ayaa dhacay, dad guri ka dhisayey degmada Wajaale ayaa guri ku dumay, gurigaasi kuuligii oo dhan ayaa ku taagnaa, ninkii xaqlaha ka ahaa Illaahay ha u naxariistee iyo saddex nin oo kale ayaa ku dhintay toban qof oo kalena waa dhaawac,” ayuu yidhi Badhasaabka Wajaale Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriyo oo warbaahinta la hadlay kadib markii shilka gurigaasi dumay uu ka dhacay degmada Tog-wajaale.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*