Latest News

Madaxweynaha Somailand Oo Kulan La Qaatay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa, September 23, 2020 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay  xubnaha guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, waxana kulankaas diiradda lagu saaray hawlaha qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Ugu horrayn Guddida Komishanka doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, warbixin ka siiyeen hawlaha diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, iyagoo xusay inay guda-galeen shaqadii doorashooyinka, sidoo kalena ay gacanta ku hayaan bilowga diwaangelinta codbixiyayaasha.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadinyey Komishanka doorashooyinka qaranka sida hagar la’aanta ah ee ay hawsha u wadaaan, wuxuuna ku adkeeyay in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadii ay hore ugu cayimeen inay doorashooyinku ku qabsoomi karaan.

Dhinacooda,  Guddida Komishanka doorashooyinku waxay madaxweynaha u caddeeyeen in qorshahoodu yahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen waqtigii hore loo shaaciyey.

Ugu danbayn, madaxweynaha iyo Guddida Komishanka doorashooyinku waxay isla garteen in la dardar geliyo qabsoomidda doorashooyinka, waxaana madaxweynaha kulankaas ku wehelinayay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

 ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*