Latest News

Dhuusa-Mareeb: 10 Askari Oo Uu Ku Jiro Taliyihii Nabadsugida Galmudug Oo Qarax Miino Lagu Dilay

Dhuusa-Mareeb, February 7, 2021 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee Maamul gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay toban Askari oo uu ku jiro taliyaha Ciidanka Nabadsugida degmada C/rashiid Cabdi Nuur Shiiqdoon kaddib markii gaadhi uu la socday lagu bartilmaameedsaday qaraxa.

Taliyaha iyo ilaalada la soctay ayaa lagu bartilmaameedsaday xili ay marayeen meel ku dhow deegaanka Ceeldheere oo 30-KM u jirta magaalada Dhuusamareeb.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in qaraxan ay sidoo kale ku dhinteen ilaa 10 qof oo ciidamo ah ay ku dhinteen.

Qaraxa kaddib ayaa deegaanka Ceeldheer lagu waramayaa in uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*