Latest News

Dibad-Baxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho, June 7, 2020 (Haatuf) –  Dibadbaxyo ay soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, waxaana uu ujeedkiisu ahaa mid lagu sheegay in lagu taageerayay hadalkii shalay ee madaxweyne Maxamed Cadullaahi Farmaajo ee ahaa in Gobolka Banaadir uu helo matalaad siyaasadeed.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbanayay in labada gole ee baarlamanka Soomaaliya ay arrintaasi meel mariyaan, islamarkaana ay fuliyaan codsigii madaxweynaha.

Dadka dibad-baxayay oo u badnaa haween iyo dhalinyaro ayaa waxay socod ku mareen taallada daljirka dahsoon iyo isgoyska KM4.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo dadka la hadlay ayaa waxa uu labada aqal ee Baarlamanka uu ka codsaday in ay Muqdisho u raadiyaan matalaadda iyo xuquuqda siyaasiga oo ay leedahay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*