Latest News

Dibadbaxayaal Ka Cadhaysan Dilka Nin Madow Ah Oo Dab Qabadsiiyey Saldhiga Booliska Ee Minneapolis

Minneapolis, May 29, 2020 (Haatuf) – Dibadbaxo ayaa ku fiday guud ahaan dalka Maraykanka oo ka dhashay  dilka nin madow oo aan hubaysnayn oo ciidmaada Booliska Minneapolis ay dileen.

Dibadbaxayaasha cadhaysan ayaa fursad u helay inay dab qabadsiiyaan Saldhiga Booliska ee Minneapolis, Minnesota, waxaanu dabku gaadhay qaybo ka mid ah Saldhiga Booliska.

Floyd ayaa dhintay maalintii Isniintii kadib markii Askari Cadaan ah oo Booliska ka tirsani intuu jiifiyey uu jilibka kaga qabtay qoorta Floyd oo jiifa.

Muuqaal Video ah oo la duubay ayaa muujinaya Floyd oo ku dhawaaqaya kuna leh Askari ma neefsan karayo ka hor inta aanu miir doorsoomin isagoo sidii ugu sii haya Askariguna jilibka.

Afar Askari oo ku lug yeeshay dilka ninkaasi Madowga ah ayaa shaqada laga eryey, balse qoyska ninka dhintay iyo bulshada ku dhaqan deegaankaasi ayaa ku baaqaya in la soo xidho Askartaasi oo aanay ku filnayn shaqo ka eryidu.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*