Latest News

Diyaarad Sida 65,000 Doze Oo Talaalka COVID19 Ah Oo Somaliland Soo Gaadhay

Hargeysa, March 16, 2021 (Haatufonline) – Diyaaradii siday talaalka cudurka Covid19 ayaa maanta ka soo dagtay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Talaalkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee soo gaadha Somaliland ayaa ah AstraZeneca, kaas oo lagu wareejiyey Wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland, 65,000 Doze.

Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in talaalkan la siin doono dadka shaqaalaha ah ee safka hore kaga jira la dagaalanka COVID19 iyo shaqaalaha cashuuraha ururiya, kuwaas oo inta badan la kulma dad farabadan.

Xanuunka COVID19 ayaa maalmihii u dambeeyey aad ugu fidayey bulshada Somaliland.  

Dhinaa kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in laga helay xanuunka Covid 19.

Qoraal uu madaxweyne ku xigeenka ku baahiyay bartiisa Twitter ka ayuu ku sheegay in uu saddexdii cisho ee ugu danbaysay la tacalayay caabuqa Covid 19.
“Waxan shacbiga Somaliland la socodsiinayaa, in aan la tacalayay saddex dii maalmod ee ugu danbaysay xanuunka Covid 19” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sidookale bulshada Somaliland ku booriyay in ay raacaan talaabooyin wasarada caafimaadka ee ka hortaga Covid 19.
Masuuliyiinta Somaliland ee uu caabuqu haleelay waxa kale oo ka mida wasiirka maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo ku karantinimaysan magaalada Addisababa oo uu safar ku joogay markii uu xanuunku lasoo darsay.’

Hargeysa, March 16, 2021 (Haatufonline) – Diyaaradii siday talaalka cudurka Covid19 ayaa mmaanta ka soo dagtay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Talaalkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee nooccciisa ah ee soo gaadha Somaliland ayaa ah COVAX, kaas oo lagu wareejiyey Wasaarada horumarinta caafímmaadka Somaliland.

Wasaarada caafímaadka ayaa sheegtay in talaalkan la siin doono dadka shaqaalaha ah ee safka hore kaga jira la dagaalanka COVID19 iyo shaqaalaha cashuuraha ururiya, kuwaas oo inta badan la kulma dad farabadan.

Xanuunka COVID19 ayaa maalmihii u dambeeyey aad ugu fidayey bulshada Somaliland.  

Dhinaa kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in laga helay xanuunka Covid 19.

Qoraal uu madaxweyne ku xigeenka ku baahiyay bartiisa Twitter ka ayuu ku sheegay in uu saddexdii cisho ee ugu danbaysay la tacalayay caabuqa Covid 19.
“Waxan shacbiga Somaliland la socodsiinayaa, in aan la tacalayay saddex dii maalmod ee ugu danbaysay xanuunka Covid 19” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sidookale bulshada Somaliland ku booriyay in ay raacaan talaabooyin wasarada caafimaadka ee ka hortaga Covid 19.
Masuuliyiinta Somaliland ee uu caabuqu haleelay waxa kale oo ka mida wasiirka maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo ku karantinimaysan magaalada Addisababa oo uu safar ku joogay markii uu xanuunku lasoo darsay.’

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*