Latest News

Doodaha Ka Furmay Habka Shiinuhu Ula Dhaqmo Shaqaalahooda Afrikaanka Ah.

Haatufonline,May 10,2024

Warbaahinta
iyo baraha bulshada ayaa waxa todobaadkii la soo dhaafay ka socday doodo iyo faalooyin ku saabsan habka ay Shirkadaha iyo Meheradaha Shiinuhu ku leeyahay dalalka Afrika ay ula dhaqmaan shaqaalahooda maxaliga ah iyadoo ra’yiga dadku u badnaa hadalo ay ku dhaliilayaan qaabka ay Shiinahu ula macaamilaan shaqaalaha Afrikaanka ah.
Soo hadalqaadka arintan iyo in fagaaraha la keeno waxa soo kiciyey video-gii dhawaan baraha bulshada lagu baahiyey ee laga duubay nin Shiine ah oo si arxan darro leh u karbaashaya dhalinyaro u shaqeeya oo konteenar ku jira taasoo ay ka falceliyeen dad badan oo Afrikaan ah iyo kuwa aan Afrikaan ahaynba.
Qaar badan oo ka mid ah falceliyeyaasha Afrikaanka ah ee arintan dareenkooda ka dhiibtay ayaa waxay masuuliinta shirkadaha Shiinaha ku eedaynayeen inay yasid iyo cunsiriyad kula dhaqmaan Afrikaanka.
Laakiin qaar ka mid ah dadka wax dhaliilayey ayaa ku doodayey in tacdiyada loo geysto Afrikaanku ku koobnayn dhacdan cusub ee laga soo duubay video-ga balse ay jiraan xaalado la mid ah oo badan oo hore uga dhacay Afrika.

Dhacdooyinka inta badan lasoo daliishado waxa ka mid ah sanadkii 2022
Oo lagu soo eedeeyey Shirkad Shiine ah oo dahab ka qodaysay dalka Zimbabwi inay si fool xun ula dhaqantay shaqaalaheeda oo aanay haba yaraatee ka haqab tirin daryeelkooda mudada ay shaqada ku jiraan sida inay helaan cunto iyo qalab-dirays ay kaga gaashaantaan sunta kamikada ah ee warshadda ku dhexwareegta taasoo ay ka qaadeen
cuduro iyo caafimaad darro.
Sanadkii 2023 ayaa nin Shiine ah oo magaciisa la yidhaa Zheng Yuan Fen oo weeraray haweenay reer Tanzania ah oo u shaqaynyysay tareen ay Shiinuhu maamulaan.
Dalka Rwanda maxkamad ayaa sanadkii 2022 nin la yidhaa Sun Shujun oo Shiine ah ku xukuntay 20 sano xadhig ah ka dib markii internet-ka lagu baahiyey video laga duubay isagoo karbaashaya muwaadin reer Rwanda ah.
Dalka Djibouti laftiisa oo Shiinuhu ka hirgaliyey mashaariic waawayn oo lagu dhisay kaabeyaasha dhaqaale ee dalkaasi ayaa hadana waxa lagaga cawdaa tirada shaqaalaha ay qortaan iyo waxay Suuqa ka iibsadaan oo labaduba aad u yar.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*