Latest News

Ethiopia Oo Balanqaaday Dib-U-Dhiska Masaajid Taariikhi Ah (Al-Nejashi) Oo Ku Burburay Dagaalka Tigrayga

Mekkele, January 5, 2021 (Haatufonline) – Dawladda Ethiopia ayaa balanqaaday inay dib u dhisayso masaajidka Al-Nejashi oo ah Masaajid Qadiimi ah oo qayb ahaan ku waxyeeloobay dagaalka gobolka Waqooyiga dalka Ethiopia ee Tigrayga.

Masaajidkan Cashiibka ah ayaa ku yaala degmada the Kilte Awulaelo woreda, halkaas oo ay ku yaalaan xabaalaha Asxaabtii Nabi Muxamad NNKH, kuwaas oo usoo cararay dalka Ethiopia Qarnigii todobaad.

Masaajidkan ayaa waxyeelo ay ka soo gaadhay dagaalka, waxaana ku burburay Minaarada masaajidka, iyadoo la waxyeeleeyey xabaalaha ay ku aasan yihiin Asxaabtii Nabi Muxamad. Sidoo kale Masaajidkan Taariikhiga ah ayaa laga bililiqaystay waxyaalo badan oo taariikhiya oo yaalay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*