Latest News

Ethiopia Oo Sheegtay Inay Qabsatay Magaalada Adigrat Ee Tigrayga

Addis Ababa, November 21, 2020 (Haatufonline) – Dawlada Ethiopia ayaa sheegtay maanta oo Sabti ah in ciidamadeedu ay qabsadeen magaalada, Adigrat, isla markaana ay ku sii siqayaan caasimada Gobolka Tigrayga ee Mekelle.

Magaaladan Adigrat ayaa 116km (72 miles) Waqooyi kaga beegan caasimada gobolka ee Mekelle. Ma Jiro jawaab degdeg ah oo ka soo baxday Ciidamada Tigrayga ee (TPLF).

Gobolka Tigrayga ayaa wada iska cabin iyo kacdoon iyo horraantii bishan November kaddib markii ay ciidamada difaaca Itoobiya weerarreen saldhigyada xoogagga Tigrayga.

Boqolaal qof ayaa ku  dhintay intii ay dagaalladu ka socdeen dalka Ethiopia, sidoo kale dad ku dhaw 30, 000 oo qaxooti ah ayaa isaga cararay deegaannada dagaalku ka socdo, kuwaas oo dalay dalka Sudan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*