Latest News

Fanaanka Maxamed Cigge Busi Oo Geeriyooday Iyo Madaxweyne Biixi Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Bahda Fanka Iyo Shacabka Somaliland

Hargeysa, July 2, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka qaranka iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Hal-abuur, Muusiishan, Heesaa Marxuum Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 02/07/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay qaranka iyo bahda fanka & sugaanta, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*