Latest News

Farmaajo Oo Ciidamo Ku Sugnaa Baledweyne Usoo Raray Muqdisho

Baladweyne, April 28, 2021 (Haatufonline) – Ciidamo ka tirsanaa Haramcad oo ku sugnaa Baledweyne shantii bilood ee lasoo dhaafay ayaa maanta laga soo qaaday magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo diyaaradi ka soo qaaday garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ayaa tiradooda lagu sheegay  ilaa 100 askari kuwaas oo ay dowladda Soomaaliya bilawgii sanadkan ay u geysay magaalada Baledweyne iney ka qeyb qaataan sugida amaanka goobaha lagu waday iney ka qabsoomaan doorashooyinka Soomaaliya.
Ciidamdan laga soo qaaday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baledweyne ayaa dib loogu celiyay magaalada Muqdisho shan bilood kadib, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamadan laga qaado magaalada Baledweyne, balse waxay qeyb ka noqonayaan ciidamo labadii maalin ee u dambeysay dowlada kaso qaadeysay gobolada Galgaduud, Gedo iyo Hiiraan.
Qaaditaanka ciidamadan ayaa kusoo beegmeysa xili xaalada siyaasadeed ee dalka noqotay mid aad u cakiran, dagaalo culusna ay magaalada Muqdisho ku dhexmareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo kale oo kasoo horjeeday muddo kororsiga Madaxweyne Farmaajo.

Connect with us on Facebook