Latest News

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In 100,000 Qof Ay Ku Barakaceen Dagaalka Ka Soo Cusboonaaday Muqdisho

Nairobi, April 28, 2021 (Haatufonline) – Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in qiyaastii 60,000 ilaa 100,000 qof ay ka barakaceen guryahooda magaalada Muqdisho ka dib markii ay rabshado ka qarxeen 25kii April.

ku simaha Isuduwaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya Cesar Arroyo, ayaa sheegay, marka laga soo tago barakicinta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, in rabshadihii ugu horeeyay ay abuureen hubin la’aan iyo cabsi ah carqaladeynta gargaarka bani’aadamnimada boqolaal kun oo dad nugul ah.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, Sanadkan, barakaca la xiriira colaadaha ayaa kusii kordhay Soomaaliya. Tan iyo bishii Jannaayo, qiyaastii 173,000 oo qof ayaa ku barokacay.
50,000 oo sidoo kale ku barokacay rabshado ka dhacay 19 tuulo oo ka tirsan Berdaale oo katirsan Koonfur Galbeed, Gaalkacyo oo katirsan Mudug iyo Cabudwaaq oo ah gobolka Galgaduud.

“Iskahorimaadyada hubaysan waa ay sii kordhayaan waxayna si aan kala sooc lahayn u saameeyaan kuwa ugu nugul. Si ka duwan labadii sano ee la soo dhaafay, barakaca ugu badan ee sanadkan ka jira Soomaaliya waa mid la xiriira colaadaha. Waxaan ka codsanayaa dhinacyada isku dhaca inay xushmeeyaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadanimada iyo waajibaadka ka saaran ilaalinta shacabka,” ayuu yidhi Mr Arroyo. ”

UNOCHA ayaa sheegtay qorshaha Kajawaabida Bini’aadanimada Soomaaliya ee 2021 (HRP) inuu  u baahan yahay US $ 1.09 bilyan si loo caawiyo afar milyan oo qof Laga bilaabo maanta.

Connect with us on Facebook