Latest News

Isagoon Ka Firsan In Fiiso La Siin Doono Ayuu Farmaajo Kiraysatay Sharikad U Qabanqaabisa La Kulanka Xildhibaano Maraykan Ah


Newark,April 23,2021(Haatufonlie)-Madaxweynihii Somalia ee mudo-xileedkiisu dhammaay Farmaajo ayaa kiraystay sharikad Maraykan ah oo uga dhex ololaysa Congresska Maraykanka isla markaana u qabanqaabisa kulamo uu caasimadda Maraykanka kula yeesho xubno ka mid ah baarlamanka Maraykanka.
Farmaajo ayaa 22kii bishi March 2021 shirkadan oo la yidhaahdo LFA Holding ku kirastay $150,000 taasoo ka dambaysay sadex maalmood uun markii uu wasiirka Arimaha Dibadda Maraykanku Farmaajo ugu baaqay inuu ka noqdo mudo-kordhinta qayrulsharciga ah ee u samaystay.
Heshiiska sharikaddan oo xarunteedu ku taalo gobolka New Jersay ayaa waxa Farmaajo u saxeexay Safiirka Somalia u fadhiya Maraykanka Cali Sharif Axmed halka shirkaddana u u saxeexay maareeyaheeda Luis Aleman.
Waxase aaanu Farmaajo xisaabta ku darsan in dawladda Maraykanku siin doonin fiisaha lagu galayo dalka Maraykanka isagoon ka noqon mudo korodhsigii ay Midowga Afrika iyo beesha caalamka inteeda kale cambaareeyeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*