Latest News

Farxadda Kala Dhiman Ee Ciidal Fitriga Iyo Muslimka Ku Nool Gobolka Xinjiang Ee Shiinaha

Urumqi,April 21,2023(Haatufonline)- Wadamada Muslimka oo dhan,meelo ay dagaalo ka socdaan sida Sudan mooyaane, waxa maanta oo Jimce ah si wayn loogu xusay Ciidal Fitrigii iyadoo maalintii u dambaysay bishii Ramaadaan ay ku beegnayd Khamiistii shalay ahayd.
Hasayeeshee kow iyo tobanka milyan ee dadka Uyghurka ah ee Muslimka ah ee ku nool gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha waxba ciidani ugumay duwaneyn ciidiihii hore ee ay farxadla’aanta ku ciidi jireen.

Sanakii 2015 ayaa xisbiga Shuuciga ee Shiinaha xukumaa uu soo saaray xeer mamnuucaya in shaqaalaha dawladda,ardayda iyo macalimiintu soomaan bisha Ramadaan. Waxa kale oo u xisbigu amray in aan la xidhin meelaha laga cunteeyo oo ay sidii caadiga ahayd u shaqeeyaan bisha Ramadaan oo dhan. Waxa kale oo la mamnuucay dhammaan munaasabadaha diiniga ah ee lagu xusayo soomka bisha Ramadaan.

Sidaas darteed tan iyo intii xisbiga Shuuciga ee diimaha aan aaminsanayn uu cadaadiska saaray soonka Ramadaan ma jirin Ciidul Fitri iyo Ciidal Adxe ay dadka Uyghurka ahi saani u ciideen maa daama ay farxadoodu aheyd mid kala dhiman.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*