Latest News

Muslimiintu Xad Ma Kala Laha Ma Dhabbaa,Ma Riyaa,Ma Siyaasad Baa Sandakan 2023

Faallo
Maxamad Xaaji Maxamuud Xirsi
Haatufonline April 22,2023

Iswaydiinta u horraysaa waxa weeye: Falsafada xuduudaha jira oo dhan gaal baa malmaluuqay oo ma rumaysni, muslinka oo dhanna xad ma kala laha, sidee ula jaanqaadaysa, nabadda iyo heshiisyada caalamiga ah ( international peace/treaties). Awoodeenu se intee ayay leegtahay maanta ee arinkaa aynu ku dumin karnaa?( way dhib yartahay in qofka iswaydiintaa keena la yidhaa, waa qof awooda gaalada wax moodaya, oo iimaankiisu daciifyahay)

HADABA!

Haddii aynu xaggaa iyo galbeedka Somalida u kacno, waxa xaga Ethiopia inagala jaar ah Somali oo muslin ah, waxa xiga Oromo , Cafar, iyo qoomiyado badan oo kale oo muslin ah oo aragtida kor ku xusani sheegayso in maadaama ay muslin yihiin aynaan aqoonsanayn in xad inoo dhexeeyo. Soco illaa Sudan,Jaadh, soco illaa galbeedka Afrika, ilaa Nigeria. Afrika badankeedu waa muslin.

Ka waran maanta xajkii oo FARAL ah ma tagi karaysaa, adiga oo xuduud oo dhan dafirsan, iyo PASSPORTS.

QOLOOYIN BADAN OO FIKIRKAA AFKA KA SHEEGAA WAXA AY BALLAN ADAG IYO DHAAR KU GALEEN IN DALALKA ( GAALADA) AH EE AY UBADKOODA IYO QOYSASKOODU DAGAN YIHIIN EE AY PASSPORTS KOODA SITAAN INAY DAACAD U YIHIIN. MARNA KUMA DHIIRAN KARAAN INAY TUURAAN PASSPORTS (GAALADA) OO UBADKOODA IYO QOYSASKOODA KA SOO RARAAN DALALKAA GAALADA, UNA SOO RARAAN, DAL AMA GOOB ISLAAMKU BIYO DHIGAY, OO HOY ISLAAM AH( sida deegaanada Somalida).( KOLAYBA INTA BADANNA DAN ADUUN IYO ADEEGYO DHIB YAR OO GAALADU SIISO AYAY DANAHAASI U DOOR BIDEEN)
ANIGU NINKA YIDHAA XILIGAN AYNU MAANTA NOOLNAHAY ISLAAM AAN QOYMIYAD LAHAYN OO AAN WAXBA LAGU BADHXIN AYAAN KU BAAQAYAA, HADANA WAXAAN WADAA ISLAAM KU GAAR AH, MIDOW SOMAALIYEED, AMA
SOMALIA, AMA SOMALILAND, AMA, SOMALIDA OO QUDHA, MEEL AY DAGAANBA, OO KA TAGAYA OROMADA MUSLINKA AH, CAFARTA MUSLINKA AH, SHIINAHA MUSLINKA AH, MARAYKANKA MUSLINKA AH , CARABTA MUSLINKA AH…..OO RUMAYSAN, IN DAWLADA UU KU RIYOONAYO, IN AANAY KA MID AHAYN, KUWAA AAN SHEGAY, WAXAAN QABAA UUN IN UU YAHAY WADAAD SIYAASI AH XAQNA WUU U LEEYAHAY ARAGTIDIISA SIYAASADEED.

Ibnu Buduuda ayaa inta uu Marooka ka tagay, isaga oo aan sidan dal-ku-mar(passport) dhul kasta maray, intii uu gaadhi karayay. Markuu Hindiya marayo ayaa xil aad u wayn oo maanta jinsiyad ( nationality) u baahan loo dhiibay, waxa uu noqday QAADI.
Waynu jeclaan lahayn in sidii Ibnu Buduuda, passport la’aan, iyo xad la’aan in aynu aduunka iska mushaaxno, hase ahaatee falsafadaasi maanta ma shaqaynaysaa? Iswaydiintu waxa weeye arinkaasi ma aqoon iyo caqli iyo diin baa? waynu aragnaa caalamka, culumada muslimiinta ee aadka u aqoonta badan iyo fahamkooda iyo aragtiyahooda, mise arinku waa mawqif siyaasadeed?

Qofku waa u xor fahamkiisa siyaasadeed.
Waxaan se leeyahay da’ayarta diinta jecel iyo dadka aan diinta aqoonta durugsan u lahayni, arimaha caynkaas ah ee dawladaha jira duminaya, jahawareerkana bulshooyinka galinaya yaanay ku dagmin.

Waxaan ku dhaqnaa Khaliijka carabta markii Sadaam Xuseen qabsaday Kuwait ee dawaladaha Khaliijku gurmad caawiya ka dhigteen dawlado badan oo Maraykanku hoggaminayo, halkaa culumadii waaway need ee khaliijku waxa ay fityoodeen adeegsiga Maraykanka, iyaga oo markaa badbaadada dalkooda eegaya. Culumadii muslimiinta ee dalalka kalana qaar badan ayaa ka soo horjeestay. Wey jireen culumo da’yar ahayd oo ka soo horjeestay, oo Khaliijka lagu xidhxidhay( inkasta oo maanta odayaal yihiin). Hase ahaatee culumadii waawaynayd adeegsiga dawladahaa Maraykanku hoggaaminayay ayay qaateen. Arinkaa kutub ayaa laga qoray, muran ayaana illaa maanta ka taagan. Marka la eego burburkii ka dhashay iyo burburkii ciraaq. Hase ahaatee culumadaasi waxa ay ahaayeen qaar danta dalkooda, caqliga, awoodooda, sida ay Dalkooda dantiisa moodeen ,iyo diintooda sida ay u fahmeen ,is waafajiyay, kana duulayay xaqiiqada dhabta ah ee arlada markaa taalay ( The practical reality on the ground), ama ku raac ama ku khilaaf taasi waa arin kale.

DARDAARANKAYGU WAXA WEEYE WAAR NABADAA AYNU ILAAHAY KU CAABUDAYNO EE ALLE INAGU SIIYAY JAMHUURIYADA SOMALILAND, EE UMADA MUSLINKII KU CEESHAYSO, KUNA WADA DHAQANTAHAY, WIXII DUMINAYA AYNU ISKA JIRNO.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*